Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga amaahda uga maqan Sunderland ee Geertruida

 Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta sidii ay amaah ugu soo qaadan lahayd daafaca reer Holland Lutsharel Geertruida.



Geertruida hadda wuxuu amaah ugu maqan yahay Sunderland isagoo ka yimid RB Leipzig.

25 jirkan ayaa u ciyaaray Arne Slot kooxda Feyenoord, waxaana la fahansan yahay inuu yahay mid ka mid ah daafacyada ay Liverpool raadineyso.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland waa ciyaaryahan dhinacyo badan leh, wuxuuna ka ciyaari karaa daafaca midig, daafaca dhexe iyo sidoo kale khadka dhexe ee difaaca.

Kooxda Slot waxaa ka maqan Conor Bradley, kaasoo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan dhaawac jilibka ah qaba, halka Jeremie Frimpong uu sidoo kale hadda dhaawac gumaarka ah ku maqan yahay "dhowr toddobaad" iyadoo qandaraaska Ibrahima Konate uu dhacayo xagaagan.

Sida ay hadda tahay, xaaladdu waa mid adag maadaama saddex kooxood ay ku lug leeyihiin.

Ma jiro qodob dib u celin ah oo ku jira heshiiska amaahda ee Geertruida uu kula joogo Sunderland , wax kasta oo dhacana waxay ku heshiin doonaan dhinaca Regis le Bris.

Post a Comment

0 Comments