Liverpool Oo Heshiis Qarsoodi Ah La Gaartay Xabi Alonso

 Wararka hoose ee laga helayo ilo wareedyada Indykaila ayaa sheegaya in wakiillo ka socda kooxda Liverpool ay kulan qarsoodi ah kula yeesheen Xabi Alonso dalka Spain maalintii Jimcaha.



Maamulka kooxda ayaa la sheegay inay gaareen go’aan ah in xilligii Arne Slot ee Liverpool uu dhammaad ku dhow yahay, iyadoo macallinka reer Holland uusan sii ahaan doonin tababaraha kooxda xilli-ciyaareedka dambe. Alonso ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu la wareego hoggaanka kooxda xagaaga 2026, wuxuuna xitaa wakiillada kooxda la wadaagay qorshihiisa ku aaddan saxiixyada cusub ee uu doonayo in lagu xoojiyo kooxda suuqa soo socda.


Haddii ay dhacdo in natiijooyinka xun darteed shaqada looga cayriyo Arne Slot ka hor inta uusan dhammaan xilli-ciyaareedkan 2025/26, waxaa la diyaariyay qorshe ah in halyeyga kooxda ee Steven Gerrard uu u adeego sidii tababare ku-meel-gaar ah ilaa inta Alonso uu xagaaga ka imaanayo.


Isbeddelladan ayaa imanaya xilli cadaadis weyn uu saaran yahay maamulka Liverpool si ay dib ugu soo celiyaan tartankii looga bartay kooxda ee horyaalka Premier League iyo fagaarayaasha Yurub.

Post a Comment

0 Comments