Xiddiga ay Man United doonayso ee Wout Weghorst ayaa lagu soo waramayaa in uu jeebkiisa ka bixinayo lacagta Mag-dhawga ah ee ay doonayso Besiktas si ay u fasaxdo xiddiga si uu ugu biiro Man United.
Ciyaaryahanka reer Holland, oo 30 jir ah, ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu amaah ugu wareegayo Old Trafford bishaan.
Xiddiga ayaa bartilmaameed u noqday Erik Ten Hag si uu ugu buuxiyo booska uu baneeyay xiddiga Cristiano Ronaldo.
Laakiin Man United ayaa ku dhibaatoonaysay in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga sabab la xidhiidha xaalada heshiiska xiddiga.
Xiddiga ayaa ka mid ah Burnley laakiin waxa uu amaah ugu joogaa kooxda Besiktas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Kooxda reer Turkey ayaa dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedka.
Sida laga soo xigtay Gokhan Dinc, Weghorst Ayaa diyaar u ah in uu lacagta ay Besiktas doonayso ka bixiyo jeebkiisa si uu ugu biiro Man United.