Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto Lionel Messi.
Xiddiga todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa qaab xor ah uga tagi kara kooxda reer france dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu galay bilihii ugu dambeeyay heshiiskiisa.
Heshiiska Messi ayaa waxaa ku jira hal sano oo dookh ah oo ay kooxdu dhaqan galin karto laakiin madaxweyne Nasser Al-Khelaifi ayaa doonaya in uu heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga.
Wararka ayaa sheegaya bilowgii bishan in wadahadalada heshiiska cusub ee xiddiga maalmo yar ka dhimantahay laakiin ayna wali wax heshiis ah la gaadhin xiddiga.
Iyada oo ay jirto hubaal la’aanta ku xeeran mustaqbalkiisa, Messi ayaa lala xiriirinayay ku laabashada Barcelona kuwaas oo xitaa qirtay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka Arbacada ee Ligue 1 ay la ciyaarayaan Angers, Galtier ayaa yiri: “Waxaa jira wada hadalo uu maamulku la galay Leo si heshiis cusub looga saxiixo”.
“Leo wuxuu iigu muuqdaa mid ku faraxsan Paris, sidoo kale waxa uu muhiim ka yahay qorshaha kooxda mana doonayo in aan wax intaas ka badan sheego”.