Saxafiga suuqa kala iibsiga ee caanka ah Fabrizio Romano ayaa bixiyay war cusub oo ku saabsan xiisaha la sheegay in Manchester United u qabto xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Alexis Mac Allister, isagoo caddeeyay in aanay jirin wax xiriir dhab ah oo hadda socda.
“Qaar badan ayaa i weydiinaya suurtagalnimada Mac Allister inuu xagaaga ka tago Liverpool una wareego Manchester United. Waqti xaadirkan ma hayo wax xog ah oo muujinaya xiriir adag ama wada-hadal rasmi ah oo u dhexeeya United iyo Mac Allister.”
Wuxuu sidoo kale sharaxay in Manchester United ay aad ugu mashquuli doonto suuqa xagaaga, gaar ahaan xoojinta khadka dhexe:
“United waxay si dhab ah uga shaqeyn doontaa booskaas, waxaa imaan kara hal ama labo khad dhexe. Wax walba waxay ku xirnaan doonaan labo arrimood oo muhiim ah: inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, taasoo saameyn doonta miisaaniyadda, iyo cidda noqon doonta tababaraha, haddii uu yahay Michael Carrick ama musharax kale.”
Romano wuxuu intaa ku daray in United ay eegayso bartilmaameedyo kale oo ay ka mid yihiin Elliot Anderson, Baleba iyo Sandro Tonali, balse uusan jirin wax wada-hadal ah oo lala furay Mac Allister ilaa hadda.
Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in wararka ku saabsan khadka dhexe ay sii kordhi doonaan, gaar ahaan maadaama Casemiro la filayo inuu ka tago Manchester United dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Inkastoo warar badan ay socdaan, Romano wuxuu carrabka ku adkeeyay in dulqaad loo baahan yahay, maadaama aysan jirin wax tallaabo rasmi ah oo laga qaaday dhanka Mac Allister ilaa iyo hadda.
0 Comments