Koxda Barcelona ayaa bar-baro Niyad jab leh kala kulantay kooxda Espanyol Kulanka Catalan Derby kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay Camp Nou.
Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo kooxda Barcelona maamulaysay ciyaarta kana awood badnayd kooxda ay jaarka yihiin ee Espanyol kuwaas oo weerar rogaal celis ah adeegsanayay.
Kooxda Barcelona ayaa daqiqiadii 7-aadba hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu gool madax ah u dhaliyay xiddiga Marcos Alonso kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Barcelona ayaa wixii uintaas ka dambeeyay maamulaysay ciyaarta waxana ay ka aood badnaayeen kooxda Espanyol kuwaas oo difaac ku jiray ciyaarta.
Kooxda Xavi ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale Laakiin Goolhayaha Espanyol ayaa laf dhuun gashay ku noqday Kooxda Barcelona.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta qaybteeda hore oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican xilli Espanyol ahayd kuwo ku dhibaatooday in ay xitaa madaxa kor u qaadaan.
Qaybta dambe ayay labada kooxood sii wadeen raadinta goolal iyada oo Barcelona doonaysay in ay ciyaarta disho xilli ay Espanyol doonaysay in ay soo laabato.
Kooxda Espanyol ayaa daqiiqadii 73-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.
Kooxda Barcelona ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii daqiiqadii 78-aad loo taagay xiddiga Jordi Alba kaadhka cas kadib markii uu laba kaadh oo digniin ah qaatay.
2 daqiiqo kadib ayaa xiddiga Espanyol ee Souza isna loo taagay kaadhka cas kadib markii laba kaadh loo taago laftiisa isaga oo ciyaarta isku dheeli tiray.
Xiddiga Robert Lewandowski ayaa fursad dahab ah ka khasaariyay kooxdiisa kadib markii fursad cajiib ah loo hor dhigay goolka.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona isla lumisay fursad ay hogaanka horyaalka La Liga 2 dhibcood oo cadaan ah ugu qaban lahayd.
0 Comments